
Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa maanta oo Axad ah sheegtay, in weerar lagu qaaday shirkadda “Sadcop” ee gobolka Latakia. Taas oo ah shirkad Suuriyaan ah oo ku takhasustay kaydinta iyo qaybinta batroolka.
SANA oo soo xiganeysa ilo dhanka ammaanka ah ayaa tiri: “Ciidankeena waxaa u suurtagashay in ay fashiliyaan weerar ay haraagii taliskii hore ee Bashaar Al-Asad ku qaadeen Shirkadda Sadcop ee Latakia.”
Wakaaladda ayaa intaa ku dartay, in subaxnimadii Axadda, Kolanyo ka tirsan ciidamada ammaanka guud ay ka soo ambabaxeen gobolka Idlib iyagoo ku sii jeeda xeebaha Suuriya si ay u baacsadaan haraadiga maamulkii dhicisoobay iyo sidii ay gobolka uga hirgelin lahaayeen amni iyo xasillooni.
Iska horimaadyo ayaa ilaa maalintii Khamiista ka socday gobolka xeebta ee dalka Suuriya kadib markii weerarro iyo kamaa’inno lala beegsaday ciidamada dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya, waxaana weeraradaasi lagu eedeeyay taageerayaasha madaxweynihii hore ee Bashaar Al-asad.