
Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa maanta sheegtay, in Xero Milliteri oo ku taalla baadiyaha Latakia lagu qaaday weerar hubeysan.
SANA oo soo xiganaysa ilo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee Suuriya ayaa tiri:“Koox ka mid ah haraagii taliskii hore ayaa isku dayay inay weeraraan albaabka xero ciidan oo ku taalla baadiyaha Latakia.
Wararka ayaa intaa daraya, in iska hor imaadka kadib ay ciidamada ilaalada xerada u suurtagashay in ay fashiliyaan weerarkaas, halka ay gacanta ku dhigeen Afar ka mid ah.
Iska horimaadyo ayaa ka socda gobolka xeebta ee dalka Suuriya kadib markii weerarro iyo kamaa’inno lala beegsaday ciidamada dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya, waxaana weeraradaasi lagu eedeeyay taageerayaasha madaxweynihii hore ee Bashaar Al-asad.