Kooxaha hubeysan ee Iska-caabinta falastiiniyiinta ee ku sugan magaalada Qaza ayaa sheegay in ay heleen qalab basaasnimo oo gumeystaha Israa’iil ku talaaleen qaybo kamid ah marinka Qaza.
Gumeystaha Yahuuda ayaa ugu talo galay qalabkaan basaasnimada ah in ay kula socdaan dhaqdhaqaaqyada askarta iska-caabinta iyo hoggaankooda. Qalabkaan halista badan ayaa si gaar ah u aruurinayay xogta dagaalyahannada wax iska caabinta ee ku sugan magaalada Qaza.
Saraakiil katirsan xoogaga iska-caabinta ayaa sheegay inay qalabkaan basaasnimada loo adeegsado ka dhex heleen burburka dhismayaasha magaalada Qaza.