Kooxaha kacdoon wadayaasha dalka Suuriya ayaa sheegay in ciidamadoodu ay la wareegeen gacan ku heynta inta badan xarumaha maamulka Nuseeyriyada dalka Suuriya ee magaalada Xalab.
Xarumaha soo galay gacanta mucaaradka waxaa kamid ah kulliyada militariga iyo kulliyada madaafiicda ee xaafadda Al-Zahraa ee magaalada Xalab.
Mucaaradka Suuriya ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadoodu ay la wareegeen gacan ku haynta xarumaha booliska ee Xalab, dhismaha maamulka, qasriga dowladda hoose, jaamacadda Xalab, xarunta Cilmi-baarista Sayniska, dhismaha ciidanka amniga iyo fagaaraha weyn ee bartamaha magaalada, waxayna sidoo kale la wareegeen 14 xaafadood oo dhaca galbeedka, koonfurta, iyo bartamaha magaalada Xalab.
Barqanimadii maanta ayay ahayd markii gaashaanle Dhexe Hassan Abdul Qani, oo ah afhayeenka waaxda howlgallada milateri ee mucaaradka hubeysan ee Suuriya uu ku dhawaaqay in ciidamadoodu ay la wareegeen guud ahaan baadiyaha galbeed ee magaalada Xalab, ka dib dagaallo qaraar oo ay la galeen ciidammada Nidaamka Nuseeyriyada Bashaar oo socday 36 saacadood.