Kaddib markii saraakiisha Mareykanka ay shaaca ka qaadeen qorshaha ciidamada Mareykanka ay uga saarayaan dalka Siiriya, ciidamada Dimuquraadiga ee Siiriya ayaa shaaca ka qaaday inaysan ka warqabin qorshe ciidamada Mareykanka looga saarayo waqooyiga iyo bariga dalkaasi.
Ciidamadan ayaa mudo dheer ku tiirsanaa taakulada military iyo mida dhaqaale ee ay bixiyaan ciidamada Maraykanka, balse ugu dambayntii ciidamadan ayaa iskaga huleelay dalkaas, aygoon kala tashan calooshood u shaqaystayashii ay mudada dheer ku shaqaysanayeen.
Arrintan ayaa timid kadib markii mas’uuliyiin katirsan maamulka Mareykan ay goor hore oo maanta ah sharxeen in wasaaradda gaashaandhigga Pentagon-ka ay ka shaqeyneyso, sidii loo horumarin lahaa qorshaha ciidamada Mareykanka looga saarayo dhulka Suuriya, sida ay sheegtay shabakadda NBC.
Waxa ay intaa ku dareen in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo saraakiil isaga ku dhow ay dhawaan muujiyeen, inay danaynayaan in ciidamada Maraykanka laga saaro dalka Suuriya, taas oo keentay in saraakiisha Pentagon-ka ay bilaabaan qorshayaal ay si buuxda ugala baxayaan ciidamadooda 90 maalmood gudahood.