Kooxaha mucaaradka ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay, inay gacanta ku dhigeen tuulooyin cusub oo ku yaalla baadiyaha Xamah, gaar ahaan dhulka Al-Ghab, iyadoo ay u sii dheer tahay inay gacanta ku hayaan goobo istaraatiiji ah oo milateri oo ku yaalla baadiyaha Xalab, oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha ee Nayrab iyo dugsiga ciidamada lugta.
Wasaaradda Difaaca ee Suuriya ayaa dhankeeda beenisay in mucaaradka ay la wareegeen tuulooyinka ku yaalla baadiyaha Xamah, waxayna sheegtay, in askartooda ay dib ula wareegeen tuulooyin dhowr ah, waxayna xaqiijisay in ay isku diyaarinayaan weerar rogaal celis ah oo ay kaga hortagayaan kooxo hubeysan.
Weriyaha Aljazeera ee baadiyaha Idlib ayaa soo sheegay, in iska horimaad aad udaran ay ka dhaceen goobaha kala ah: Al-Jabin, Tal Meleh, iyo Al-Jalama ee Woqooyi-galbeed ee baadiyaha Xamah, kaddib isku day ay ciidamada nidaamku ku doonayeen in ay dib ugu soo ceshtaan magaalooyinkii ay xoogaga mucaaradka la wareegeen shalay galab.
Dhanka kale, waaxda howlgallada ee kooxaha mucaaradka ayaa ku dhawaaqay shalay fiidnimadii, inay gacanta ku hayaan magaalada Soran ee waqooyiga magaalada Xamah, waxayna intaas ku dareen, inay gacanta ku dhigeen 5 xubnood oo ka tirsan ciidamada Nusayriyada.
Afhayeenka Waaxda Howlgallada Milliteriga, Gaashaanle Sare Hassan Abdul Ghani, ayaa sheegay, in Xoogagga Mucaaradka ay sii ballaarinayaan gacan ku heynta goobaha istiraatiijiga ah ee dalkaas, horumarkoodana uu yahay mid sii socda, kooxaha ayaana ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Xamah inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada taabacsan Bishaar Al-Asad.
Kooxaha mucaaradka ayaa sii wada hawgalladooda iyagoo hadda ka dagaalamaya hareeraha deegaanka Maardes-Taybat al-Imam oo 12 kiilo mitir u jira magaalada Xamah ee bartamaha dalka Suuriya, waxayna sidoo kale sii wadaan in ay ciidamadooda ku ururiyaan gobolka Morek, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anatolia.
Kaddib markii magaalada Xalab oo ah magaalada Labaad ee ugu weyn dalka Suuriya ay ku dhacday gacanta kooxaha mucaaradka ayaa waxay sii wadeen weeraradooda, waxayna shalay oo isniin ahayd ku dhawaaqeen, in gabi ahaan ay gacanta ku dhigeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Nayrab ee bariga magaalada Xalab, iyo dugsiga ciidamada lugta ee ku yaalla baadiyaha woqooyi ee Xalab.
Dhinaca kale, ciidamada Bishaar Al-Asad ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku beeniyey taqadumka kooxaha mucaaradka, waxayna sheegeen inay billaabeen howlgallo ay kaga saarayaan waqooyiga dalkaas.
Waxa ayna sheegeen in duqeymo ay la kaashadeen ciidamada Ruushka saacadihii la soo dhaafay ay ku dileen in ka badan 400 oo katirsan kooxahaas, waxayna sheegeen in ay ku jiraan rag ajaaniib ah, sida lagu sheegay warkan oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Suuriya ee SANA.