Kooxaha Mucaaradka Suuriya oo ku Sugan Afaafka Hore ee Magaalada Xamah.

13
0

Kooxaha mucaaradka Suuriya ee hubeysan ayaa ku dhawaaqay, in ciidamadooda ay ku sugan yihiin afaafka hore ee magaalada Xamah ee bartamaha dalkaas, waxayna sheegeen inay la wareegeen 18 tuulo iyo magaalooyin ku yaalla baadiyaha gobolka, waxayna 6 KM ujiraan magaalada Hamah, oo ah xarunta gobolka.

Geesta kale, Wakaalladda Wararka ee suuriya oo soo xiganaysa ilo-wareedyo Millateri, ayaa ku warantay in Xamah ay soo gaareen Ciidamo gurmad ah oo aad u badan, si ay uga hortagaan isku-day kasta oo ka dhan ah Magaaladaasi.

Iska horimaadka ka socda waqooyi-galbeed ee dalka Suuriya ayaa galay maalintii Siddeedaad, iyagoo ku sii siqaya magaalada Xamah, waxayna iska horimaadyadu ka socdaan afaafka hore ee magaaladaas istiraatiijiga ah.

Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa sheegay, in ay la wareegeen gacan ku haynta deegaannada Soran, Maardis, iyo Taibat al-Imam oo ku yaalla baadiyaha waqooyiga Xamah. Sawirro ay baahiyeen kooxaha mucaaradka ayaa muujinaya ciidamadooda oo la wareegay taangiyo, gawaari gaashaaman iyo gaadiid dagaal oo aad u badan,  kaddib dagaallo gacan ka hadal ah oo ay la galeen ciidamada Nusayriyada ee Bishaar Al-Asad.

Tuulooyinka iyo magaalooyinka ay gacanta ku hayaan kooxahaan, waxaa ka mid ah tuulooyinka Abu Lafa, Al-Mustareexa, Bayud, Tharwat Al-Rahjan, Waqooyiga Sarha  iyo Koonfurta Sarha, marka laga soo tago magaalada istiraatiijiga ah ee Maarshhur oo ku taalla duleedka magaalada Xamah.

Sidoo kale kooxaha hubaysan ayaa xaqiijiyay, gacan ku haynta dhawr goobood oo cusub oo ku yaalla duleedka magaalada Xamah, gaar ahaan dugsiga ciidamada Marines-ka, halka diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Nidaamka Suuriya ay duqeeyeen fariisimo ay mucaaradka ku lahaayeen tuulada Maardas oo ku taalla waqooyiga magaaladaas.

Ilo-wareedyo gudaha ah ayaa u sheegay wakaaladda Anadolu in maamulka Suuriya uu bilaabay faarujinta bangiyada iyo xafiisyada sarifka ee magaalada Xamah.

Amer Al-Sheikh oo ah Hoggaamiyaha Waaxda Hawlgalladda Milliteriga ee Mucaaradka Suuriya, ayaa sheegay, inay Ciiddanka Mucaaradka sii wadaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan Baadiyaha Waqooyiga Xamah, wuxuuna xusay inaysan joojin doonin illaa ay si buuxda uga gaaraan hadafkooda, oo ay ugu weyn tahay xaqiijinta soo laabashada dadkii ka barakacay guryahooda, lana soo afjara maamulka musuqmaasuqa iyo amar ku taaglaynta badan ee Bishaar Al-Asad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here