Waaxda arrimaha siyaasadda ee mucaaradka hubaysan ee Suuriya ayaa ku boorisay Ruushka iyo Shiinaha, inay taageraan rabitaanka dadka Suuriya ee ah inay dalkooda xoreeyaan.
Waaxda arrimaha siyaasadda ee mucaaradka Suuriya ayaa ku sheegtay- bayaan ay soo saartay Jimcihii – iyadoo la hadlaysa muwaadiniinta Ruushka iyo Shiinaha in uusan dagaalkooda ku wajahneen Labadaas dal.
Waaxda siyaasadda ee mucaaradka ayaa ku boorisay Ruushka iyo Shiinaha inay taageeraan rabitaanka shacabka Suuriya ee ah inay dalkooda xoreeyaan.
Waxay sidoo kale ugu baaqday dadka rayidka ah ee ku nool Manbij ee baadiyaha Xalab iyo nawaaxigeeda inay ka fogaadaan xarumaha militariga ee ciidamada Dimuqraadiga Suuriya (SDF), iyada oo raacisay, in ay xaqiijinayso dhammaan dadka dagan Manbij iyo nawaaxigeeda inay la halgamayaan, ayna la baadi goobayaan sidii Suuriya la xorayn lahaa loona dhisi lahaa dawlad.”
Waxayna sheegtay Waaxda, in Ciidanka Dimuqraadiga Suuriya ay beegsadeen dhabarka dambe ee kacaanka waxa ayna weerareen baadiyaha Xalab.