Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa ku dhawaaqay fiidnimadii hore ee maalintii shalay inay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 oo uu leeyahay Maraykanka.
Yaxye Sariic, oo ah afhayeenka milateriga ee kooxda Xutiyiinta Yemen ayaa yiri “Ilaah baa mahad leh, difaacyada cirka waxay ku guulaysteen inay soo ridaan diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykan ah oo nuuceedubyahay MQ-9, xilli ay hawlo cadawtinimo ah ka waday hawada gobolka Xajjah.
Sidoo kale Yaxye Sariic ayaa sheegay in gantaalka lagu soo riday diyaradaan lagu farsameeyey gudaha dalka Yeman.
Kooxdw Xutiyiinta ayaa ku guuleysatay inta lagu jiray bisha April inay soo rido 7 diyaarad oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 oo ay leedahay dowlada Maraykanka.