Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen oo Markii Sideedaad Bartilmaameedsaday Markabka Truman ee ku Sugan Waqooyiga Badda Cas.

33
0

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa sheegtay, in ay beegsadeen markab xambaara diyaaradaha oo laga leeyahay dalka Mareykanka, iyagoo sheegay inay ka jawaabi doonaan weerar kasta oo uga yimaada dhanka dawlaha Maraykanka iyo Ingriiska.

War qoraal ah oo kasoo baxay afhayeenka milatariga Xuutiyiinta Yaxya Sariic ayaa lagu faahfaahiyay in kooxdu ay diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo la beegsadeen markabka diyaaradaha xambaara ee  Harry Truman, kaas oo kusugnaa waqooyiga badda cas, weerarkan ayaana noqonaya weerarkii Sideedaad oo lala beegsado markabkan intii uu kusugnaa Badda Cas.

Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa sheegay inay uga digayaan ciidamada cadawga ah ee ku sugan badda cas inay joojiyaan gardarada ka dhanka ah Yemen inta ay socoto xabad joojinta Marinka Qaza.

Xabbad joojinta ayaa la qorsheeyay inay bilaabato 8:30 subaxnimo ee maanta , taasoo kutimi heshiis ay dhexdhexaadiyeyaal ka ahaayeen dawladaha Qadar, Masar, iyo Maraykanka, heshiiskan ayaa dhanka kale waxaa la isku dhaafsanayaa Maxaabiis badan.

Waxaa xusid mudan in afhayeenka milateriga ee kooxda Xuutiyiinta Yaxye Sariic uu shalay Sabtidii ku dhawaaqay fulinta weerar ay ku qaadeen Labo bartilmaameed oo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Eilat ee koonfurta dhulka ay Yahuuddu gumaysiga ku haysato ee Falastiin, halkaas oo lagu beegsaday wasaarada difaaca ee Yahuudda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here