Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo Gantaallo ku Garaacday Magaalada Tal Aviv Maraakiibna ku Weerartay Badda Cas.

7
0

Kooxda Xuutiyiinta ee xiriirka la leh dawladda shiicada ah ee Iran, ayaa shalay Jimcihii ku dhawaaqday inay bartilmaameedsadeen Labo markab oo ah nooca xambaara diyaaradaha, kuwaas oo marayay badda cas, waxay sidoo kale sheegteen mas’uuliyadda weerarro  lagu qaaday gudaha dhulka ay Yahuuddu gumaysato ee Falastiin.

Afhayeenka Xuuthiyiinta Yaxya Sariic oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in ciidamadiisu ay fuliyeen hawgal militari oo lagu beegsaday xarun ciidan oo ku taalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion ee magaalada Tal Aviv, wuxuu sidoo kale xaqiijiyay weerarrka lagu qaaday Labada markab ee laga lahaa dalka Maraykanka, kuwaas oo ku socdaalayay Badda cas.

Hawgaladan ayaa imaanaya saacado un kaddib markii Xuutiyiintu ay shaaciyeen in Maraykanku uu duqayn ku dilay in ka badan 70 qof halka ay ku dhawacmeen 170 kale, kuwaas oo ay diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku ku beegsadeen Dekeda Ras Ciise ee dalka Yemen.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here