Kooxo Burcad Internet ah oo Jabsaday Macluumaadka Shirkado ku Yaalla Dalka Maraykanka.

14
0

Sarkaal Amerikaan ah ayaa  sheegay, in kooxo Hakaris ah ay jabsadeen xogta tobannaan shirkadood oo ku kala yaalla daafaha dunida, kuwaas oo ay kujiraan 8 shirkadood oo laga lee yahay dalka Maraykanka, burcadkan ayaa khasare gaarsiiyay qalab yadii kaydinayay xogta shirkadaha.

Kooxahan burcadka ah ee ka hawlgala Internetka ayaa la sheegay, inay yihiin koox u dhashay dalka Shiinaha, kuwaas oo lagu magacaabo Salt Typhoon, waxay xadeen macluumaad badan oo ay lahaayeen dad Amerikan ah iyo sidoo kale shirkado dalkaas laga leeyahay. Waxaa sidaas sheegay sarkaal u waramay warbaahinta oo magiciisa qariyay sababo amni awgeed.

Waayadan danbe waxaa dalka Maraykanka kusoo badanayay kooxaha Hakariska ee jabsanaysa xogaha shirkadaha, waxaana la sheegay inay arintan ku lug lee yihiin kooxo lala xiriirinayo inay katirsan yihiin sirdoonka Ruushka iyo shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here