Kooxo Hubaysan oo Afduub u Gaystay Ciidamo Booliis ah oo ka Tirsan Askarta Dawladda Bakistaan.

32
0

Kooxo hubaysan oo ka tirsan kooxda xoraynta gobalka Bolojistaan ee dalka Bakistaan ayaa weerar ku qaaday baabuur ay saarnaayeen dad maxaabiis ah, ayna ka afduubteen dhawr askari oo booliis ah, kuwaas oo marayay gobolka Koonfur-galbeed dalka Bakistaan.

Ilo wareedyo ka tirsan booliska dalkaas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in inta u dhaxaysa 30 illaa 40 nin oo hubaysan ay kala xireen wado isku xirta magaalooyinka gobolka Bolojistaan, kuwaas oo jidka u galay askar waday maxaabiis dawladeed, iyaga oo afduubtay dhamaan askartii la socotay maxaabiista, kuwaas oo tiradoodu ahayd illaa 5 askari.

Kooxdan ka dagaalanta gobolka Bolojistaan ayaa asal ahaan dagaal adag oo qaatay in ka badan 20 sano kula jirta dawladda Bakistaan, kaas oo ay ku dalbanayaan in gobolkaas uu ka madax banaanaado dalka intiisa kale, waxa ayna inta badan dalkaas ka fuliyaan weeraro ay ku beegsanayaan ciidamada Bakistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here