Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay xero ay ciidamada Yahuudda ku leeyihiin magaalada Tayasir ee bariga Jenin ee Daanta Galbeed, isagoo dhaawacay 8 askari oo ay ku jiraan labo xaaladoodu ay aad u liidato.
Warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay, in nin hubeysan oo Falastiini ah uu soo gaaray Koontaroolka Tayasir, kadibna uu rasaas ku furay ciidamadii ku sugnaa Koontaroolka.
Warbaahinta Yahuudda ayaa intaa ku dartay, in goobta ay toogashadu ka dhacday ay soo gaareen ciidamo dheeraad ah, kuwaas oo dilay ninkii hubaysnaa ee weerarka soo qaaday, kadib markii ay kala kulmeen iska caabin xooggan.
Arrintan ayaa timid kadib markii dadka Yahuudda ee xoogga lagu deegaameeyay Daanta Galbeed ay weerar ku qaadeen tuulada Susya oo ku taalla Daanta Galbeed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA.