Wararka ka imaanaya gobalka Mandheera ee ku hoos jira gumaysiga dowladda Kenya ayaa ku waramaya, in howlgal qorsheysan oo ay malatariga Al-Shabaab ee ka dagaalamo gobalkaas ay dhimasho iyo dhaawa ku noqdeen askar Kenyaati ah.
Weerarkaan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Garbo-qooleey oo u dhaw magaalada Mandheera ee ku hoos jirta gumeysiga Kenya, ayaa lagu soo waramayaa, inay ku nafwaayeen 5 askari oo Kenyaati ah.
Xogaha aan helay ayaa intaasi ku darayo, in illaa labo askaro oo 2 isla Kenya ah ay ku dhaawacmeen, hawlgalkaas oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.