Waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saartay shalay oo arbaca ahayd ku sheegtay, in 93 mayd ah laga soo saaray labo xabaal wadareed oo dhawaan laga helay dalka Liibiya intii lagu jiray hawlgalo ay ciidamada ammaanku ka fuliyeen dalkaas.
Rosemary Dicarlo, oo ah kaaliyaha xoghayaha guud ee arrimaha siyaasadda ayaa tiri ” Waxaan helanay laba xabaal wadareedyo kaddib baaritaano lagu sameeyay goobaha dadka laga tahriibiyo”
Waxay tilmaantay in 7-dii bishan Febraayo xabaal wadareed laga helay beer ku taalla deegaanka Ijkhara ee dhaca waqooyi bari dalka Liibiya, halka maalintii xigtayna xabaal wadareed kale laga helay Kufra oo ku taalla Koonfur Bari dalkaas.
Dicarlo ayaa intaa ku dartay, in illaa hadda 93 qof oo meyd ah laga soo saaray Ijkhara iyo Kufra, iyadoo aan la cayimin tirada meydadka ee labada goobood, iyadoo cambaaraysay shirkadaha iyo shakhsiyaadka ku lugta leh tahriibinta.
Toban maalmood kahor, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Liibiya ayaa ku dhawaaqay in la helay 28 mayd oo tahriibayaal Afrikaan ah oo laga helay xabaal wadareed ku yaalla gobolka Kufra, halka lagu qabtay 76 tahriibayaal ah, oo isku diyaarinayay inay kasii tahriibaan dalkaas.