Fallaagada M-23 ayaa sii wada dhaqdhaqa ay ka wado bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, kaddib markii ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Goma ee istiraatijiga ah, waxaanay kooxdu wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka ay kula jiraan dawladda Koongo.
Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday, in ugu yaraan 700 oo qof ay ku dhinteen 2,800 oo kalena ay ku dhaawacmeen dagaallo maalintii Axadda illaa Khamiista ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.
Dagaalyahanada M-23 oo lagu eedeeyo in ay gacan saar la lee yihiin dalka Rwanda ayaa maalmihii lasoo dhaafay dagaal adag ka waday koonfurta magaalada Goma, wakaaladda wararka ee France Press oo soo xiganeysa ilo wareedyo ayaa sheegtay in dagaalku uu ka dhacay meel qiyaastii 30 KM u jirta magaalada Kavumu oo ku taalla koonfurta harada Kivu ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.
Faalaagadan ayaa la wareegtay hub casri ah oo ay kamid yihiin diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helikoptriska iyo diyaarado kale oo ay farsamayso dawladda Ruushka, taas oo keenaysa inay jabhadani sii dagaalanto mudo dheer awoodna u helaan inay qabsadaan guud ahaan dalka.
Dawladda Rwanda ayaa sheegtay, inay xusul-duub ugu jirto sidii ay meesha uga saari lahayd xooggaga xiriirka la leh xasuuqii 1994-tii oo ay ula jeedo xukumada Koongo, balse waxaa lagu eedeeyay rabitaanka ah inay doonayso ka faa’iideysiga  kheyraadka gobolka, gaar ahaan macdanta loo isticmaalo soo saarista qalabka korontada ku shaqeeya ee Microelectronics.