Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum ayaa Jimcihii sheegtay, in dalkeeda uu qaabilay illaa 11 Kun oo laga soo tarxiilay Mareykanka tan iyo 20-kii Janaayo, markaasoo uu xilka la wareegay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Madaxweynaha Mexico ayaa intaa ku dartay, in tiradan ay ku jiraan illaa 2,500 oo aan Mexico u dhalanin, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Horaantii todobaadkan, Sheinbaum waxa ay Trump la gashay heshiis uu ku joojinayo canshuuraha uu ku hanjabay inuu kusoo rogaya badeecadaha Mexico, taas badalkeedana ay kumanaan booliis ah geeyso xuduudka waqooyi ee dalkaasi uu la wadaago Maraykanka, si loo joojiyo qulqulka soo galootiga.
Sheinbaum ayaa intaa ku dartay shir jaraa’id oo ay u qabatay suxufiyiinta, in Mexico ay iyaduna dib ugu celisay jamhuuriyadda Honduras qaar kamida dadkaas. Laakiin waxay ku nuuxnuuxsatay, in soo celintaas aan lagu qasbin Honduras.
Dhanka kale, sarkaal Ameerikaan ah ayaa Jimcihii sheegay, in Pentagon-ka ay u diri doonaan illaa 1,500 oo askari oo dheeri ah xadka koonfureed si ay u taageeraan ololaha sii kordhaya ee madaxweyne Donald Trump ee ka dhanka ah waxa ay ugu yeereen soo galootiga sharci darrada ah.
Tani waxay ugu dambeyntii ka dhigeysaa tirada guud ee ciidamada ka howlgala xadka illaa 3,600 oo askari.
Sarkaalka ayaa intaa ku daray, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press, in la oggolaaday in loo diro goobahaas guutada saadka ee 18-aad ee Airborne Corps loona diro magaalada Fort Liberty oo dhacda gobalka North Carolina.