Ku Dhawaad 15 Qof oo Suudaaniyiin ah ayaa Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Shil Gaari oo ka Dhacay Dalka Liibiya.

10
0

Warar laga helayo dalka Liibiya ayaa sheegaya, in ugu yaraan 14 qof oo u dhashay dalka Suudaan ay noqdeen  dhimasho iyo dhaawac, kaddib shil gaari oo naxdin leh oo ka dhacay koonfurta dalkaas. Dadkaasi oo ahaa barakacayaal kasoo qaxay dagaallada culus ee ka socda gudaha Suudaan, ayaa la sheegay in gaarigii ay la socdeen uu si lama filaan ah ugu dhacay gaari kale oo xamuul ah, taasoo sababtay khasaare baaxad leh.

Hay’adaha gurmadka degdegga ah ee ka howlgala gobolkaasi ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 12 qof ay ku geeriyoodeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin haween iyo carruur da’ yar. Sidoo kale, 2 qof oo kale ayaa si daran ugu dhaawacmay, iyadoo xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayo xarumo caafimaad oo ku dhow goobta uu shilku ka dhacay.

Shilkan naxdinta leh ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay wali taagan tahay cabsi xooggan oo laga qabo ammaanka iyo badbaadada kumannaan barakacayaal ah oo maraya waddooyinka liibya si ay uga tallaabaan badda Mediterranean-ka, una gaaraan Yurub. Todobaad ka hor, waxaa saxaraha Liibiya laga helay meydadka 11 Suudaani ah oo barakacayaal ahaa, kuwaas oo u dhintay gaajo iyo haraad, kaddib markii gaari ay wateen uu cilad farsamo ku timid isaga oo maraya bartamaha saxaraha lamadegaanka ah.

Dhacdooyinkan ayaa muujinaya halista iyo xaaladda daran ee ay wajahayaan barakacayaasha Suudaaniyiinta ah, kuwaas oo noloshoodu kusoo ururtay safarro u dhaxeeya dhimasho iyo nolol aan la hubo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here