Ku Dhawaad 20 Qof oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Duqaymo ka Dhacay Suudaan iyadoo Milatariga Dalkaas ay Sheegteen inay La Wareegeen Goobo Istaraatiiji ah oo Cusub.

4
0

Tiro dad ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday duqaymo xooggan oo ay maleeshiyaadka RSF ku qaadeen labo isbitaal iyo xaafado rayid ah oo ku yaalla magaalada Al-Cubaydah ee gobolka Waqooyiga Kordofaan, sida ay sheegeen ilo ka tirsan milateriga Suudaan.

Weerarkan ayaa si gaar ah u beegsaday Isbitaalka Al-Damaan oo lagu duqeeyay diyaarad daroon ah, waxaana halkaas ku dhintay 6 qof, halka 12 kalena ay ku dhaawacmeen. Maamulka isbitaalka oo xaqiijaiyay khasaaraha ka dhashay duqayntan ayaa sidoo kale sheegay in xaruntu ay qarka u saran tahay inay shaqada joojiso.

Dhinaca kale, war kasoo baxay milateriga Suudaan ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladdu ay dib u qabsadeen deegaanka Umm Sumaymah oo u dhow magaalada Al-cubaydah, halkaas oo maalmo ka hor ay sheegteen ciidamada RSF inay la wareegeen. magaaladan ayaa muhiimad wayn ugu fadhisa dagaalada ka socda gobalka maadaama Al-Cubaydah ay ku taallo waddo istaraatiiji ah oo isku xirta Khartuum iyo gobolka Daarfuur.

Dagaalada ka socda dalka Suudaan ayaa galay xaalad cakiran, kaddib markii la wiiqay awooda maleeshiyaadka RSF, kuwaas oo gaysanayan duqaymo wuxuushnimo ah oo aan kala soocayn xarumo dawladeed iyo kuwo rayid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here