Warar horudhac ah oo hadda ina soo gaaraya ayaa tiibaaxaya, in duqeymihii ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab saaka ku garaaceen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ay geysteen khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.
Xogaha horudhaca ah ayaa intaasi ku daraya, inay ku nafwaayeen 3 xubnood oo Ameerikaan ah, halka ay ku dhaawacmeen 7 kale oo iyagana Ameerikaan ah iyo 6 Taliyaani ah oo mid uu garaab yahay, sida ay baahisay warbaahin Al-Andulus ee ku hadasha afka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyadoo intaasi raacisay, in khasaaraha nafeed uu intaasi ka badanyahay ayna dib kasoo gudbin doonta xoga intaasi ka faahfaahsan.
Duqeymahaas ay fuliyeen guutada jugta culus ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay si gaar ah u beegsadeen xarumaha kala ah.
Xarunta howlgalada Mareykanka, taas oo xiliga la beegsanayay uu ka socday shir u dhexeeyay Saraakiil isugu jirta Ameerikaan iyo Turki iyo Saraakiil kale oo Cadaan ah.
Goobta lagu baakimo diyaaradaha Darooniska ah, waxaana lagu soo waramayaa inuu goobtaas gaaray burbur xoogan, iyadoo intaasi lagu darayo goobaha la beegsaday, Safaarada Taliyaaniga ee Xerada Xalane iyo Xarunta ciidamada Alfa Group ee ilaaliya Safaarada Mareykanka ee Xalane.
Si kastaba ha ahaatee, duqeymahaan ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta la dhaceen xerada Xalane oo ah taliska ugu wayn ee ay shisheeyaha ay ku leeyihiin dalkeenna ayaa kusoo aadayo, xilli ay shisheeyaha iyo dowladda Fadaraalkuba qireen in Al-Shabaab ay lasoo baxday awood aan la dhayalsan karin ayna macquul tahay inay Soomaaliya marti galisoo waxii ka dhacay Afghaanistaan oo kale.