Waxaa dalka Hindiya ku burburtay diyaarad rakaab ah oo siday ku dhawaad 250 qof, kuna sii jeeday magaalada Landhan ee caasimada dalka Ingiriiska, shilkan diyaaradeed oo dhacay shalay khamiistii ayaa sababay bur ku yimi gabi ahaanba diyaarada, kaas oo ay ku dhinteen dhamaan rakaabkii saarnaa, marka laga reebo hal qof oo ka badbaaday.
War kooban oo ay soo saareen laamaha booliiska ee Hindiya ayaa lagu xaqiijiyey, in tirada dhimashada ee la diwaan galiyay ay kor u dhaaftay 260 qof, kuwaas oo ay ku jiraan dad rayid ah oo deganaa deegaanka ay diyaaraddu ku dhacday.
Hay’adaha baarista shilalka cirka ee Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa ku dhawaaqay, inay diri doonaan kooxo taageera hay’adaha Hindida ee baaraya shilalka, waxaana sii kordhi kara khasaaraha nafeed ee ka dhashay dhacdadan, taas oo loo aanaynayo goobta ay diyaaradu ku dhacday oo ahyd meel aad u mashquul badan.