Dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa dowladda Fadaraalka ayaa galabta waxay ka dhaceen deegaan lagu magacaabo “Buubiso” oo qiyaastii 6km u jirta magaalada Maxaas ee gobalka Hiiraan.
Waxaana lagu soo waramayaa, in dagaalladaasi si weyn loogu jabiyey askarta dowladda Fadaraalka dhabarkana loo saariyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Warar horudhac ayaa tilmaamaya, in dhimashada ciidamada dowladda Fadaraalka ay gaartay 4 askari, halka dhaawacana uu sii cagacagaynayo 23 kale.
Sidoo kale, dagaalkii galabta ka dhacay deegaanka Buubiso waxaa lagu gubay gaari nuuca Noohada ah oo uu lahaa Cali Jeyte, iyadoona askartii dowladda Fadaraalka ee dagaalkii galabta lagu dilay uu kamid yahay nin lagu magacaabi jiray Xasan Faarax Guuleed oo ahaa gacan yarihii Cali Jeyte.
Dhawaan ayey ahayd markii millatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobalka Hiiraan oo ay kamid tahay degmada istiraatiijiga ah ee Moqokori.