Wararka ka imaanaya dalka Yukrayn ayaa sheegaya in ugu yaraan 16 askari oo Yukreeniyaan ah la dilay in ka badan 10 kalena la dhaawacay, kaddib markii gantaallo ay rideen ciidamada Ruushku ay ku dhaceen goob uu ka socday tababar ciidan oo ku taalla gobolka Sumi ee dhacda waqooyi bari dalka Yukrayn, duqayntan ayaa dhacday iyadoo taliska ciidamada Yukrayn uu sheegay in taliyaha xerada la weeraray shaqada laga joojiyay, lana bilaabay baaritaan ku saabsan dhacdada.
Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay, in weerarka lagu beegsaday xero ciidan oo muhiim ah oo ay isticmaalaan ciidamada gaarka ah ee Yukrayn, waxaana loo adeegsaday gantaal Iskander ah oo si gaar ah loogu tala galay inuu beegsado hadaf mucayan ah.
Dhanka kale, Madaxweynaha Ruushka Faladamiir Butin ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay gobolka Kursk, halkaas oo uu kula kulmay ku-simaha barasaabka gobolka iyo masuuliyiin deegaanka ah. Butin ayaa kormeeray warshadda tamarta Nukliyeerka ee Kursk iyo goobta laga dhisayo xarunta cusub ee Kursk-2, wuxuuna amray in la kordhiyo tirada kooxaha miino-baarista si shacabka gobalkaas si degdeg ah loogu celiyo guryahooda.
Duqayntan ayuu Ruushku qaaday iyada oo xalay saqdii dhexe ay ciidamada Yukrayn weerar xooggan kusoo qaadeen gobollo kala duwan oo ka tirsan Ruushka, Moskow ayaana dhenkeeda shaacisay inay soo riday ku dhawaad 130 diiyarood oo lagasoo tuuray dhanka Yukrayn.