Dalka Yemen waxaa xalay ka dhacay duqaymo ay filiyeen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka, wararka ayaa sheegaya in dad rayid ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen hawlgalladan ka dhacay xaafado ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Sanca.
Wasaaradda caafimaadka ee maamulka Xuutiyiinta ayaa shaacisay, dhimashada afar qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 2 haween ah iyo dhaawaca 25 kale oo ay ku jiraan 11 qof oo haween iyo carruur iskugu jira, waxaana dadka dhaawaca ahaa la geeyay xarumaha caafimaadka ee magalada Sanca.
Warbaahin taageerta Xuutiyiinta ayaa shaacisay, in diyaaradaha Mareykanka ay shan weerar ku qaadeen magaalada Sanca, oo labo ka mid ah ay la beegsadeen xaafadda Shaab Al-Xaafa.
TV-ga Al Masirah ayaa daabacay sawirrada dad dhaawac ah oo uu ku jiro ilmo yar oo la geeyay isbitaal ku yaalla caasimadda Yemen. Kanaalka ayaa sidoo kale baahiyay muuqaal muujinaya burburka guryaha ay duqeyntu burburisay.
Dhanka kale, duqaymo kale oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ayaa saddex weerar oo cirka ah ka fuliyay deegaanka Al-Ammar ee degmada Al-Safraa ee gobolka Sacda ee waqooyiga Yemen, ka hor waaberigii saaka oo Isniin ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saddex weerar oo kale lala beegsaday deegaanka Bani Xasan oo ka tirsan degmada Abs ee gobolka Xajjah ee waqooyi galbeed dalka Yemen.
Diyaaradaha Maraykanka ayaa qaaday 14 weerar 24-kii saac ee la soo dhaafay, kuwaas oo diiradda saaraya Jaziirada Kamaran ee galbeedka Yemen ee Xudeydah, iyo dhinaca bari iyo galbeed ee caasimadda Sanca.