Dooni ay saarnaayeen dad rakaab ah iyo badeecooyin ayaa ku degtay haro biyood ku taalla jamhuuriyadda dimuqaraadiga ah ee Koonga, waxaana ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.
Doonidaan ayaa si gaar ah ugu qarqoontay hara biyood ku taalla gobolka Ikwaatoor ee dhaca waqooyi galbeed ee jamhuuriyadda dimuqaraadiga ah ee Koonga, inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 30 qof oo ay ku jireen dhowr arday oo la socotay doonida.
Mas’uul u hadlay dalkaas ayaa sheegay, in wali dad kale la la’yahay, islamarkaana ay socdaan baaritaano lagu baadigoobaya. Heroyinka iyo wabiyada mara jamhuuriyadda dimuqaraadiga ah ee Koonga ayaa laf dhabar u ah isu socodka dadka iyo kala gudbisashada badeecooyinka iyo alaabaha kale, balse mararka qaar waxaa ka dhaca shilal noocaan oo kale ah oo galaafta noolasha dad badan.