Ku dhawaad 40 Askari oo Ka Tirsanaa Ciidamada Dalka Bakistaan ayaa Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Weerar Nafhurnimo ah oo ay Fuliyeen Jihaadiyiinta ka Hawgala Dalkaas.

30
0

Dalka Bakistaan ayaa lagasoo sheegayaa in uu ka dhacay qarax nafhurnimo ah oo lala beegsaday ciidamada dalkaas, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca ku dhawaad 40 askari, qaraxan ayaana si gaara uga dhacay gobalka Khaybar Bakhtunkhwa oo ku yaalla waqooyi-galbeed dalka Bakistaan meel u dhow xuduud beenaadka uu dalkaasi la wadaago Afghanistan.

Ugu yaraan 16 askari oo ka tirsan ciidamada Bakistaan ayaa lagu dilay weerarkan, Sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo ka tirsan dowladda, waxaana lagu bartilmaameedsaday kolonyo ciidamo ah oo ku sugnaa goob isku imaatin ah oo ay ku lahaayeen saldhig milatari.

Hawgalkan ayaa sababay burburka laba guri oo ku yaalla agagaarka goobta ay ku sugnaayeen ciidamada la beegsaday, waxaana weerarkan masuuliyadiisa sheegtay jihaadiyiinta Dalibaan Bakistaan gaar ahaan garabka uu hoggaamiyo qaa’idka Xafid Gal Bahaadur ee ka jihaada dalka Bakistaan.

Weerarkan ayaa imaanayaa iyadoo dalka Bakistaan uu wajahayo koror ku yimid hawgalada jihaadiga ah ee ay fulinayaan jihaadiyiinta, gaar ahaan kuwa ka socda dhulka ku dhaw xuduud beenaadka uu dalkaasi la wadaago Afghanistan, tan iyo markii ay Daalibaan la wareegtay talada dalka Afqaanistaan sanadkii 2021-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here