Ku Dhawaad 40 Qof oo ku Shahiiday Duqaymihii Ugu Dambeeyay ee Marinka Qaza.

16
0

Duqeymo ay Yahuuddu ka geysatay deegaanno kala duwan oo ka tirsan Marinka Qaza, ayaa dhaliyay dhimashada dad badan oo Falastiiniyiin ah iyo dhaawaca dad kale oo intaas ka badan.

Ilaha caafimaadka ayaa sheegay, in illaa 40 qof ay ku shahiideen duqeymo ay Yahuuddu ka geysatay dhowr goobood oo ka tirsan Marinka Qaza tan iyo waaberigii Sabtida. Duqeymaha ayaa lala beegsaday goobo la deggan yahay oo ku yaalla xerada magaalada Nuseirat iyo Khan Yunis ee koonfurta Marinka Qaza.

Wariyaha Aljazeera ayaa soo sheegay, in 4 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah ay ku shahiideen duqeyntan oo lala beegsaday guri ku yaalla xerada Bureij ee bartamaha marinka Qaza. Ciidamada difaaca madaniga ah iyo gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa goobta gaaray, si ay u soo qaadaan meydadka shuhadada, waxaana dhaawacyada loo qaaday isbitaalada kala duwan ee marinka.

Wariyaha ayaa intaa ku daray in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo Yahuuddu leedahay ay duqeysay teendho ay ku jireen dad barakacayaal ah oo ku taalla xerada Maghazi ee bartamaha marinka Qaza, waxaana ku shahiiday hal qof, halka ay kuĀ  dhaawacmeen saddex kale. Labo carruur ah ayaa sidoo kale ku shahiiday duqeyn ay Yahuuddu la beegsatay guri ku yaalla xerada Maghazi ee bartamaha marinka Qaza.

Boqolaal qof ayaa lagu qasbay in ay si qasab ah uga barakacaan xaafadda Shujaiya ee bariga magaalada Qaza, iyagoo u jiheystay deegaanno kale oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here