Ku Dhawaad 40 Ruux oo Ku Nafwaayay Qarax ka Dhacay Dalka Hindiya.

4
0

Qarax xooggan oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay koonfurta dalka Hindiya ee dhaca qaaradda Aasiya, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha ee dalkaas.

Qaraxan ayaa si gaar ah uga dhacay warshad dawooyinka lagu farsameeyo oo ku taalla gobolka Tiilaanjaana ee koonfurta Hindiya, iyadoo markii uu qaraxa dhacayay ay gudaha warshadda ku sugnaayeen 108 ka tirsan shaqaalaha warshadda, sida uu shaaca ka qaaday Wasiirka caafimaadka ee gobolkaas.

Warbaahinta Hindiya ayaana sheegtay, in mas’uuliyiintu ay illaa iyo hadda ka soo saareen burburka hoostiisa meydadka illa 34 ka mid ah shaqaalaha, halka labo kalena ay isbitaalka ugu geeriyoodeen dhaawac soo gaaray, iyadoo kooxaha gurmadka ay weli wadaan baaritaannada ay ku baadigoobayaan dadka la la’yahay.

Inkastoo aysan mas’uuliyiinta Hindiya si rasmi ah u shaacinin sababta ka danbeysay qaraxan, haddana waxaa loo badinayaa inuu kadhashay kiimakooyin ay isticmaalaysay warshadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here