
Khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ciidamada Dowladda Fedaraalka kasoo gaaray, weerar madaafiic ah oo ay saakay guutada Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen, xerada Hiilweyne ee dhacda duleedka Balcad oo saldhig u ah askarta Dowladda Fedaraalka.
Xogaha aan helayna ayaa sheegaya, in weerarkaasi ay ku dhinteen, illaa 6 askari halka ay ku dhawacmeen 42 kale.
Cidamada dowladda Fadaraalka ayaana dhawaanaha wajahayo weerarro dhiig-bixin ah oo ay fulinayaan milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.