Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus oo shalay ka dhacay duleedka degmada Moqokori lagu naafeeyay askarta dawladda fadaraalka, iyada oo lagu dilay tiro badan oo ka tirsan ciidamada. Dagaalkaas oo dhacay shalay gelinkii hore ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac aad u ballaaran, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka amniga ah oo ku sugan halkaasi.
Tirada dhimashada ciidamada dawladda ayaa la xaqiijiyay inay gaarayso 18 askari, kuwaas oo qaarkood meydadkooda laga tagay goobtii lagu dilay. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 12 kamid ah meydadka ay ka carareen ciidamada dawladda.
Sidoo kale, dhaawaca ayaa la sheegay inay gaarayaan illaa 30 kale, kuwaas oo badankood qaba dhaawacyo culus, waxaana si degdeg ah loogu qaaday xarumaha caafimaadka ee ku dhow dhow deegaanka. Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada lagu dilay dagaaladaasi ay ku jireen saraakiil iyo askar si gaar ah loo magacaabay, kuwaas oo qaarkood caan ku ahaa hawlgallada ka dhanka ah mujaahidiinta. Waxaana kamid ah:
- Muumin Nuurshe Maxamed Cabdulle
- Aadan Ibraahim Fidhig (Ilbir)
- Xasan Abiikar Aadan
- Xasan Taakaay – Sarkaal sare ahaa, isla markaana la dilay
- Cabdullaahi Muumin Dhaladheere
- Axmed Muumin Cilmi Iidow
- Cabdi Xuseen Axmed
- Shariif Cali Yuusuf Barow
Dhanka dhaawaca, waxaa dadka ku jira saraakiil muhiim ah oo si xun ugu dhaawacmay dagaalka, kuwaas oo la xaqiijiyay in la dabiibayo xaaladooda caafimaad:
- Daahir Xuseen Maalin – Sarkaal sare ah, dhaawac culus ayaa soo gaaray
- Shiikhdoon Maxamed Xundubeey
Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayaan weerarrada qorsheysan ee mujaahidiintu ka fuliyaan gobolka Hiiraan, kuwaa soo si gaar ah u beegsanaya fariisimada iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada dawladda iyo kuwa shisheeyaha.