Dab xooggan ayaa subaxnimadii hore ee shalay qabsaday goob lagu kulmo oo ku taalla Waqooyiga Macedonia oo ka tirsan dalalka qaarada Yurub, waxaana ku dhintay 59 qof oo kamid ahaa dadkii goobta ku sugnaa.
Dabkan ayaa sidoo kale sababay dhaawaca 155 qof oo loo qaaday isbitaallada dalka, kuwaas oo ay ku jiraan 18 qaba dhaawacyo halis ah, waxaana dhaawcyadaas loo qaaday dalalka kale ee qaarada Yurub.
Goobta uu dabku ka kacay ayaa ahayd hool lagu qabto kulamada fisqiga ah, waxayna ku taallaa bariga magaalada Kocani, kahor inta uusan dabku qarxin waxaa goobta ku sugnaa in ka badan 1000 qof oo daawasho usoo aaday kulamada halkaas ka dhacayay.
Dalalka reer galbeedka waxaa mudooyinkan dambe kusoo badanaya musiibooyinka rabaaniga ah, taas oo ka dhalatay carada Allaah, kaddib markii ay isku garab sadeen la dagaalanka Islaamka iyo ehelkiisa.