Ku dhawaan 20 Qof oo ku Naf-waayay Duufaano ku Dhuftay Gobollo kala Duwan oo Katirsan Dalka Maraykanka.

13
0

Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in duufaano xooggan ay ku dhufteen gobollo kala duwan oo ka tirsan dalkaas, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqodeen tobanaan qof.

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay gobollada Mayzuuri iyo Kantaakii ee dalka Maraykanka, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dalkaas. Sagaal ka mid ah dadkaas ayaa ku dhintay gobolka Kantaakii, halka shan kalena ay ku naf-waayeen magaalada Saanat-Lawiis ee gobolka Mayzuuri. Xooga duufaantan oo bilowday shalay Jimcihii ayaa maanta ku fiday gobaladaas, iyaga oo gaystay khasaare dhaawac iyo mid hantiyadeed.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobaladaas, inka badan 5 Kun oo guri ayaa ku dumay duufaantan, kuwaas oo intooda badan ku yaallay magaalada Saanat-Lawiis ee gobalka Mayzuuri, waxaana samatabixinta dadka ku xaniban guryaha hoostooda ka qayn qaadanaya in ka badan 500 oo kooxood oo ka tirsan laamaha samatabixinta ee gobaladaas.

Duufaano kale ayaa laga digayaa inay ku dhuftaan gobalada dalka Maraykanka gaar ahaan gobalada ku teedsan xeebaha Atlaantiga, taas oo siixoojinaysa cabsida ay qabaan dadka ku nool gobaladaas, waana mid kamida aayadaha Allaah ee uu ku abaalmariyo aadoomadiisa marka ay ku kacaan dunuub uu ka caroodo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here