Kudhawaad 200 Kun oo Qaxooti Suuriyaan ah oo Dalkooda Dib Ugu Laabtay Tan Iyo Dhicitaankii Bishaar Al-Asad.

32
0

Qaramada Midoobay ayaa Sabtidii ku dhawaaqday in illaa 200 Kun oo Qaxooti Suuriyaan ah ay dib ugu laabteen dalkooda tan iyo markii la afgambiyay Madaxweynihii hore ee Bashaar Al-Asad bishii December ee la soo dhaafay.

Xog rasmi ah oo ay daabacday Hay’ada UNHCR, ayaa shaaca ka qaaday in intii u dhaxaysay Diseembar 8, 2024-ka illaa Janaayo 16, 2025-ka, ay qiyaastii 195,200 oo qaxooti Suuriyaan ah ay kusoo laabteen dalkooda.

Boqolaal kun oo qaxooti Suuriyaan ah ayaa ka tagay dalka Lubnaan si ay uga baxsadaan duqeymaha Yahuudda intii uu socday dagaalkii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay Yahuudda iyo Xisbullaah, dadkan ayaa Suuriya ku laabtay kahor intaan la afgambinin nidaamkii Bishaar Al-Asad.

Boqolaal kun oo kale oo dalkooda ka qaxay ayaan la hubin suurtagalnimada inay soo noqonayaan, taas  oo ay ugu wacan tahay dhaqaale yari iyo guryahoodii oo ku burburay dagaaladii dalka ka dhacayay Tobankii sano ee u dambaysay, kuwaas oo aan haysan dakhli ay dib ugu dhistaan guryahooda.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in la filayo soo laabashada illaa hal milyan oo qaxooti Suuriyaan ah lixdan bilood ee ugu horeysay sanadkan, kaddib markii uu isbadal siyaasadeed ku yimi dalkoodii, kaas mudo 53 sano ah gacanta ugu jiray qoyska reer Asad.

Tan iyo markii uu qarxay dagaalkii ka dhashay kacdoonka shacabka ee 2011-kii, waxaa dalka Suuriya ka qaxay malaayiin shacab Suuriyaan ah, kuwaas oo magangalyo raadis u galay dalalka dariska la ah Suuriya sida Lubnaan, Turkiga iyo ciraaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here