Kulan gaar ah oo ay yeesheen amniga Yahuudda ayaa looga hadlay saameynta Turkiga ee gobolka.

6
0

Warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay in Wasiirka Difaaca ee Yahuudda Katz uu qabtay kulan gaar ah oo dhanka ammaanka ah oo ku saabsan Turkiga fiidnimadii Arbacada; Maamulka warbaahinta Yahuudda ayaa sheegay in Katz uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Gideon Sa’ar, madaxa shaqaalaha Herzi Halevy, iyo mas’uuliyiin kale oo ay ka wadahadleen “ dood amni” oo ku saabsan Turkiga.

Kulanka looga hadlay arrimaha saameynta Turkiga ku leeyahay gobolka, waxaana lagu gorfeeyay in la falanqeeyo in wax isbeddel ah uu ku yimid heerka khatarta Turkiga ee  Yahuudda ay hadda korortay saameynta Turkiga ee gobolka.

Dhanka kale Khabiir Yahuudi ah  ayaa ka digay isku dayga uu Turkigu ku doonayo in uu dib ugu soo nooleeyo saamayntii uu ku lahaa goobihii ay maamuli jireen Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, taas oo laga yaabo in ay wax ka beddesho dheelitirka awoodeed ee gobolka si ay khatar ugu noqoto danaha Yahuudda.

Cilmi-baadhistan oo ay diyaarisay xarunta Moshe Dayan ee bariga dhexe iyo daraasaadka Afrika ee jaamacadda Tel Aviv, cilmi-baaraha ku takhasusay arrimaha Turkiga, Hai Eitan Cohen-Yanarojak, waxa uu si qoto dheer u falanqeeyay xaaladda hadda jirta ka dib guushii kacaankii Suuriya; in la afgambiyo maamulka Bashaar Al-asad ee dalka Suuriya, iyo khatarta ka iman kartaYahuudd iyo dalalka gobolka.

Daraasadan ayaa timid hal maalin uun ka dib markii warbaahinta Yahuudda  ay sheegtay in guddi dowladeed ay ku taliyeen, warbixintii uu u gudbiyay Yahuudda wasaaraha Benjamin Netanyahu, in loo diyaar garoobo dagaal suurtagal ah oo lala galo Turkiga, iyadoo la eegayo cabsida sii kordheysa ee Tel Aviv ee ku aaddan isbaheysiga Ankara ee maamulka cusub ee Dimishiq kadib dhicitaanka nidaamka Bashaar Al-asad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here