Weriyaha Aljazeera ayaa sheegay, in dowladda Suuriya ay maanta oo Talaado ah yeelaneyso shir ay goob joog ka yihiin Ra’iisul Wasaarihii maamulka Bishaar Al-Asad ee talada dalka laga tuuray Muxamed Al-Jalali iyo Ra’iisul wasaaraha cusub ee kumeel gaarka ah ee Muxamed Al-Bashiir.
Ilo-wareedyo ka tirsan maamulka siyaasadda Suuriya ayaa Aljazeera u sheegay, in xukuumadda Muxamed Al-Bashiir ay shaqayn doonto muddo 3 bilood ah, si ay usoo dhisto xukuumad Cusub oo uu dalku yeesho, iyagoo ku nuux-nuuxsaday in la kala diri doono hay’adaha ammaanka, lana baabi’in doono shuruucdii uu ku shaqayn jiray nidaamkii murimka ahaa ee Bishaar Al-Asad.
Waxa ay intaasi ku dartay in la eegi doono xaaladda ciidamada, isla markaana dib u habeyn lagu sameyn doono qaab dhismeedkooda, iyagoo xusay in xakameynta amniga, bixinta adeegyada iyo habsami u socodka kala guurka ay muhiim u tahay in la helo dowladda kumeel gaar ah.
Magacaabista Al-Bashiir ayaa timid shalay oo isniin ahayd, kaddib kulan looga hadlay qaban qaabada xil wareejinta, ayadoo laga fogaanayo in Suuriya ay gasho xaalad fowdo ah, waxaana kulanka ka mid ahaa taliyaha waaxda howlgallada milateriga Axmed Al-Sharaa, Maxamed Al-Bashiir iyo Maxamed Al-Jalaali oo ahaa Raisul Wasarihii hore ee Nidamkii Bishaa Al-Asad.
Dhanka kale, waaxyaha dowladda Suuriya ayaa isku diyaarinaya, inay dib ugu laabtaan shaqadoodii, xarumahan ayaa xirnaa Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, kaddib markii mucaaradka hubeysan ay la wareegeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.