kumanaan kun oo ka Barakacay Guryahoodii Kaddib Dab Xooggan oo ka Kacay Dalka Mareykanka.

2
0

In ka badan 30 Kun oo qof ayaa lagu qasbay in ay guryahooda ka baxaan, kaddib markii uu dab qabsaday dhul xeebeedka Los Angeles ee dalka Mareykanka saacado gudahood, halka dab labaadna uu si xowli ah ugu fiday Arbacadii meel 50 KM u jirta xeebta.

Saraakiisha ayaa sheegay, in ku dhawaad ​​3 Kun oo hektar ay ku gubteen dabka ka kacay aagga Palisades ee Baasifiga, kaas oo u dhexeeyso magaalooyinka Santa Monica iyo Malibu. Jidadka waxaa buux dhaafiyay dad ka cararayay dabka, iyadoo tiirarka holcaya iyo qiiqa uu isku shareeray hawada magaalada Los Angeles.

Godoomiyaha gobolka California ayaa sheegay, in mas’uuliyiintu ay tiriyeen dhismayaal badan oo dabku baabi’iyey. Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay, in ay ku amreen illaa 30 Kun oo qof in ay ka guuraan guryahooda sababo la xiriira khatarta dabka, illaa hadda lama soo sheegin wax dhaawac ah. Guddoomiyaha Dimuqraadiga ayaa ka codsaday dadka ku nool gobolka California inay u hoggaansamaan amarrada daadgureynta.

Khubarada dhinaca Cimilada ee Mareykanka ayaa yiri “Waxaan filaynaa in tani ay noqon doonto wejigii ugu xooganaa ee dabaylaha kulaylka badan ee gobolka ka dhacayay tan iyo 2011-kii” waxayna xaqiijiyeen in khatarta dabkaan uu aad uga badan yahay kuwii dhici jiray wakhtiyadii hore.

Arinkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo madaxwatnaha Donald Trump, oo xilka kala wareegaya Biden, uu bishii Sebtembar ku hanjabay inuu jarayo kaalmada federaalka ee California si uu ula dagaallamo dabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here