Kumanaan Suuriyaan ah oo ku Noolaa Urdun oo Dib ugu soo Laabanayo Dalkooda.

7
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Urdun Mazen Al-Faraya ayaa ku dhawaaqay inay dalkooda dib ugu soo laabteen in ka badan 7 Kun oo Qaxooti Suuriyaan ah tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-Asad.

Al-Faraya ayaa hadal uu siinayay TV-ga rasmiga ah ee Boqortooyada Sacuudiga ku sheegay in “tirada Suuriyaanka ah ee ka soo tallaabay dalkooda iyagoo marayey isgoyska Jaber/Nassib tan iyo 8-dii December ay gaarayso 7,250 Suuriyaan ah,” isagoo sharraxay in inta badan dadka soo laabtay aan lagu kala saarin inay yihiin qaxooti iyo in kala.

Urdun waa mid ka mid ah dalalka ay sida weyn u saameeyeen wixii ka dhacay dalka Suuriya, iyada oo martigelineysa ilaa 1.3 Milyan oo Suuriyaan ah, ku dhawaad ​​​​kalabar kuwaas oo ku joogay sifo qaxootinima ah, inta soo hartay waxay galeen ka hor inta uusan bilaaban kacaankii 2011-ka.

Dadka Suuriyaanka ah ee u qaxay daafaha caalamka ayaa bilaabay inay dib ugu soo laabtaan dalkooda, kaddib markii talada laga tuuray mujrimkii dhiig yicabka ahaa ee Bashaar Al-Asad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here