Kutubtii Hore Maxay ka Sheegeen Nabigeena (scw)? Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil (Maxaadaro).

39
0

Kutubta samaawiga ah ee Allaah SWT uu ku sheegay Qur’aanka Kariimka ah waa shan kutub, waxayna kala yihiin:

1: Qur’aanka Kariimka oo lagu soo dejiyay Nabigeena Muxammad naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee.

2: Kitaabka Tawraad oo lagu soo dejiyay Nabi Muuse Calayhi Salaam

3: Injiil oo lagu soo dajiyay Nabi Ciise Calayhi Salaam

4: Zabuur oo la siiyay Nabi Da’uud Calayhi Salaam

5: Iyo Suxufu Ibraahim Calayhi Salaam.

Nabigeenna Muxammad naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee inta uusan Allaah soo saarin waxaa sifaadkiisa lagu sheegay kutabidii isaga ka horaysay, tusaala ahaan nabi Ciisa oo ah Nabigii ka horeeyay Rasuulkeenna waxa uu umaddiisa ugu bishaareeyay soo bixitaanka Nabigeenna sida uu Qur’aanka inoogu sheegay Allaah SWT.

وَإِذْ قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ يَا بَنِي إِسْرَائِيلَ إِنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُم مُّصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيَّ مِنَ التَّوْرَاةِ وَمُبَشِّرًا بِرَسُولٍ يَأْتِي مِن بَعْدِي اسْمُهُ أَحْمَدُ ۖ فَلَمَّا جَاءَهُم بِالْبَيِّنَاتِ قَالُوا هَٰذَا سِحْرٌ مُّبِينٌ 

Hadaba sida aad wax badan uga ogaato waxa ay kutubtii inaga horaysay ka dhaheen sifaat nabigeenna calayhi salaam gaar ahaan Injiil, waxaad aad udhuuxdaa maxaaraadkan waxaana soo jeedinaya Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here