Ciidamada qalabka sida ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay maanta oo Axad ah, in Kuuriyada Waqooyi ay ridday ilaa 20 buufin oo qashin ah oo ku wajahan Kuuriyada Koonfureed, waxaana ilaa 10 ka mid ah laga helay gobolka Chorwan ee xadka ku yaalla.
Taliyaha guud ee ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay, in buufinnada ay qashinku ku raran yihiin ay ka gudbeen xadka intii udhaxaysay habeenimadii Sabtida ilaa subaxnimadii hore ee maanta, waxa ka dhacayana ay ahaayeen qashinka guryaha sida warqadaha iyo caagagga, isla markaana aanay ku jirin wax khatar ah.
Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap ayaa sheegtay, in tirada walxaha ku jira buufinnada aysan udhigmin tirada buufinnada, maadaama hal buufin oo dhexroorkiisu uu udhexeeyo 2 ilaa 3 mitir, dhererkiisuna uu udhexeeyo 3 ilaa 4 mitir, inta badana ay ku jiraan dhawr bacood oo yaryar.
Tan iyo dabayaaqadii bishii May, Kuuriyada Waqooyi waxa ay ridday in ka badan 5,000 oo buufin qashin ah oo ku wajahan Kuuriyada Koonfureed, taas oo jawaab u ah waraaqo lid ku ah Kuuriyada Waqooyi oo ay soo direen kuwa ka goostay dalkaas oo ku sugan Kuuriyada koonfureed.