Kuuriyada Waqooyi oo ku tala jirta in ay jarto khadadka tareenada ee ay la wadaagto Kuuriyada koonfureed.

59
0

Ciidanka Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqay in ay gebi ahaanba jarayaan waddooyinka iyo khadadka tareenada ee ay la wadaagaan Kuuriyada Koonfureed, laga bilaabo maanta oo Arbaco ah, ayna xoojin doonaan joogitaanka ciidankooda xuduudka ay la wadagaan wadankaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi.

Ku dhawaaqistan ayaa muujinaysa in ay sii xumaanayso khilaafka u dhexeeya labada Kuuriyo, arintaan ayaana noqonayso dhacdo naadir ah,  oo aanan dhicin dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Saraakiisha Guud ee Ciidanka Kuuriyada Waqooyi, ayaa war qoraal ah oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ku sheegay: in tallaabadani ay jawaab u tahay dhoolatuska malatari ee laga sameeyay Kuuriyada Koonfureed, waxayna ku tilmaameen Kuuriyada Koonfureed inay tahay Cadowga ugu weyn ee aan isbaddalin.

Arbacadii lasoo dhaafay ayeey ahayda markii Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ninka lagu magacaabo Kiim Joon Uun uu sheegay, in ciidamadiisu ay isticmaali doonaan hubka Nukliyeerka ah si aan ka laba labeyn ahayn, haddii dalkiisa ay soo weeraraan Kuuriyada Koonfureed iyo xulafadeeda Mareykanka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here