Kuuriyada Waqooyi oo qarxisay wadada tareenada ee ay lawadaagto Kuuriyada Koonfureed.

31
0

Kuuriyada Waqooyi ayaa qarxisay qaybo ka mid ah waddooyinkeeda  tareennada ay la leedahay Kuuriyada Koonfureed, waxayna ku tilmaamtay Kuuriyada koonfureed inay tahay  dawlad cadow ah, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

“Ciidanka Kuuriyada waqooyi waxay burburiyeen 60-mitir oo qiyaastii udhiganta (200feet) oo ah waddooyinka tareenada, kuwaas oo ku yaalla qaybaha bari ee galbeedka xudduudaha ay la wadaagaan Kuuriya koonfureed, taas oo qayb ka ah kala fogaanshaha siyaasadeed ee cirka isku sii shareeraya”  waxaa sidaas sheegtay Wakaaladda wararka ee KCNA.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay gebi ahaanba jari doonto isku xirka waddooyinka iyo tareennada ee ay la leedahay Kuuriyada Koonfureed.

Wakaalada wararka ee KCNA ayaa sheegtay, ayadoo soo xiganaysa Afayeenka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka kuriyada waqooyi, in uu yiri “Pyongyang waxay  qaadi doontaa tallaabooyin dheeri ah,  iyadoo ka hor tagaysa talaabooyinka ay qaadayaan kuuriyada konfureed ee lagu carqaladaynayo amniga gobolka.

Dhanka kale Kuuriyada Koonfureed ayaa ayaduna heegan galisay ciidankeeda,  si ay u qarxiso waddooyinka tareenada xadka labada dal ku yaala, ayadoo ay jirto muran udhaxeeya labada dal oo la xiriira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here