Kuuriyada Woqooyi oo u ansixisay Ruushka Heshiis Guud oo Iskaashi Istiraatijiyadeed ah.

24
0

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ninka lagu magacaabo Kim Jong Un ayaa Ruushka usaxeexay heshiis guud oo iskaashi istiraatijiyadeed ah, kaas  oo dhaxmaraya labada dal, iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo in Pyongyang ay ciidamo udirto Ruushka, kaas oo dagaallo culus kula jira Ukraine.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay, in Kim uu saxiixay wareegta uu ku  ansixiyay heshiiskaas udhaxeeya Moscow iyo Pyongyang.

Heshiiskan cusub ayaa dhaqan galaya, kaddib marka ay is dhaafsadaan labada dal dukumentiyada ansixinta, waxaana uu socon doonaa  heshiiskaan muddo aan xadidneyn.

Heshiiskan cusub ayaa ku biiraya  hashiiskii  tilmaamayay Saaxiibtinimada, Deris-wanaagga iyo Iskaashiga  ee ay wada saxiixdeen Ruushka iyo Kuuriya Waqooyiga sanadkii 2000.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa saxiixay 9-kii Nofembar  sharciga ansixinaya heshiiskan iskaashiga Istaraatiijiyadeed ah ee udhaxeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Heshiiska waxaa ku jira qodoba ku qasbaya labada waddan inay si degdeg ah ubixiyaan gargaar millatari haddii midkood la soo weeraro.

Arinkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo baryahaan danbe Ukraine iyo reer galbeedkaba ay ku edaynayeen Kuuriya Waqooyiga, inay kumannaan ka tirsan ciidamadeeda ay usoo dirtay dalka Ruushka, kuwaas oo ka barbar dagaallami doona ciidamada Ruushka waa siday hadalka udhigeene.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here