Laamaha Amniga ee Dalka Lubnaan oo Sheegay Inay Qabteen Basaas u Shaqaynayay Sirdoonka Yahuudda.

29
0

Agaasinka Guud ee Amniga dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay in la xiray qof safar kagasoo laabtay dhulka ay Yahuuddu gumaysiga ku haysato ee Falastiin, isagoo lagu eedeeyay in uu xiriir la sameeyay sirdoonka Yahuudda.

Agaasinka Guud ee Amniga dalkaas ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray shalay Khamiistii ku sheegay, kaddib hawlgal dabagal ah oo ay sameeyeen laamaha amnigu waxay  ku qabteen qof looga shakisan yahay inuu yahay jaasuus u shaqaynaya cadowga, isagoo si qarsoodi ah kusoo galay koonfurta dalkaas.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeedka, maxbuusku waxa uu qirtay in uu la macaamilay Yahuudda tan iyo bilowgii dagaalka Qaza, marka laga soo tago fulinta hawlihii loo xilsaaray.

Intii uu baaritaanka ku jiray, waxa uu sidoo kale qirtay in uu haysto qalab casri ah oo ay siiyeen Yahuuddu, kaas oo uu u isticmaali jiray in uu ku sawiro qaar ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee Lubnaan, wuxuuna ku samayn jiray xiriir toos ah oo u dhexeeya isaga iyo ciidamada Yahuudda.

Maxbuuskan ayaa qirtay in ay Yahuuddu siiyeen jaakad ay ku qariyeen lacag aad u badan si ay uga taageeraan gudashada howlihiisa basaasnimo inta uu joogo dalka Lubnaa, wuxuuna gudbiyay xogo badan oo sir ah.

Sirdoonka Yahuudda ayaa ku dhex milmay dalka Lubanaan ayagoo halkaas ka samaystay jawasiis badan oo usoo gudbisa xogaha sirta ah iyo xarumaha muhiimka u ah kooxaha dalkaas ka jira, taas oo sababtay in ay Yahuuddu muda yar gudaheeda ku dilaan saraakiishii ugu saraysay kooxda Shiicada ah ee Xisbullaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here