Laba Qaawan Isma Qaaddo.

53
0

Alsiisi hadalkiisu wuxuu ahaa mid cad oo wuxuu yiri cilaaqaadka aan laleenahay soomaaliya iyo heshiiska aan lagalnay ma ahan mid lagu waxyeelayo dowladaha geeska afrika ee waa mid ku eg soomaaliya oo kaliya iyo ladagaallanka argagaxisada!.

Madaxweyne Alsiisi wuxuu tobankii sano ee uu xukunka haayay awoodi waayay in uu shacabka Masar ka difaaco halista weyn ee ay wajahayaan taas oo ah biya la’aanta iyo oonka kusoo fool leh, waa musiibo weyn oo soo socota balse labaajin karo waa haddii ay jirto sarriigasho iyo biseyl umadeed.

Hoggaamiyaha run loowga xilkaska ah waa midka ku suntan in uu umaddiisa ka yureeyow cadowgeeda uuna baahiyaheeda adduun iyo midda aakhiro wax ka qabto.

Alsiisi oo ah dabadhilif Mareykanka lacago uga qaato ilaalinta xuduud beenaadka Yahuudda, wuxuu gabay in uu difaaco isha biyaha ugu muhiimsan ee Masaaridu leeyihiin oo ah webiga Niil ee Itoobiya ay halista ku tahay.

Alsiisi isagoo warbaahinta ka qeylinayo ayay dowladda Xabashida Itoobiya ku taxadisay oo waxay dhisatay biya xireenka ugu weyn qaaradda Afrika waxayna ka duldhistay webiga Niil oo ah isha kaliya ee 110-ka Malyan ee reer Masar noloshooda ku tiirsantahay.

Hadda ogaada Biyaha webiga Niil waa qodobka 1aad ee amniga qaranka Masar, Abiy Axmed markii uu xilka qabtay 2018 100% ayuu ka shaqeysiiyay dhismaha biya xireenka Al Nahda, Siisi dhowrjeer ayuu ku goodiyay in uu tallaab qaadi doono balse cidna dheg jalaq umasiin oo xabashidu howshooda ayay wateen illaa ay biya xireenka dhameystireen kadibna ay biya buuxin sameeyeen.

Durbadiiba biyihii webiga Niil ee Masar aadi jiray ayaa yaraaday waxa soo socda ayaana ka daran sidaas oo ay tahay Alsiisiga hadda soomaaliya usoo ordaya waxba kama qaban.

dowladda Xasan gurguurte iyana waa daciif oo awood umalahan in ay Itoobiya udhiil qaaddo taas bedelkeed ciidanka xabashida ayayba ku dowladeysaa oo magaalooyin waaweyn uhaya.

Arrinta rakhiista ah ee soomaalida laga gedayo waxaa kamid ah in Masar ay ciidamo usoo dirayso soomaaliya kadibna ay difaacayaan badda!,Alsiisi hadduu uu biyo difaacyo dadkiisa ayuu udifaaci lahaa biyaha Niilka Buluugga ah.

Alsiisi waa hoggaamiyaha iska daawanaya shacabka Qaza ee hortiisa lagu xasuuqayo,waa ninka xiriirka amni iyo iskaashi weli laleh Yahuudda umula dooxa ugeysanaysa muslimiinta Falasdiin.
waxaa hoogay oo khasaara kuwa ninka nuucaas ah maanta hiil ka sugaya.

Waxaa labadan nin ee Gurguurte iyo Alsiisi ku dhaboobaya Maah maahdii soomaalida ee aheyd Laba Qaawan ismaqaaddo! فاقد الشّيءِ لا يُعطيه

WQ: Kurtun 

Afeef: Soomaalimidnimo marnaba mas’uul kama aha aragtida qoraaga maqaalkan loomana tiirin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here