Laba Wiil Oo Aano Qabiil Loogu Dilay Gobolka Galgaduud.

33
0

Dableey hubeysan ayaa habeen hore weerar ku qaaday dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa deegaanka Galo oo qiyaastii 40KM u jirta magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Dableeyda ayaa halkaas ku dilay laba wiil oo dhalinyaro ah, halka ay dhaawaceen mid kale.

Dadkaa ayaa dilkooda lala xariirinaaya aano qabiil, waxayna dhacdadan baqdin ku abuurtay dadka deegaanka oo ka cabsi qabo in dagaalo qabiil ay halkaas ka dhacaan.

Dagaalada ku salaysan qabyaalada ayaa daashaday ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan deeganada ka baxsan maamulada xarakada Alshabaab.

Xarakada Alshabaab ayaa ku guuleysatay inay soo afjarto dagaalada dhexmara qabiilada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here