Labo Dhul-gariir oo Aad u Xooggan oo ku Dhuftay Magaalada Naples ee Dalka Talyaaniga.

17
0

Magaalada Naples ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa shalay Axadii ka dhacay dhulgariir aad u xooggan, waxaana dhul gariirkaasi uu ahaa midkii ugu awooda badnaa ee dalkaas ka dhaca mudooyinkii ugu dambeeyay, isagoo cabirkiisa lagu qiyaasay 3.9, sida uu sheegay machadka cilmiga barista  Juqraafiga iyo Volcanology ee dalkaas.

Dhulgariirkan ayaa dhacay abaaro 00:20 a.m ee xiliga maxaliga  dalkaas. Goobta uu sida gaarka ah uga dhacay dhul gariirkan ayaa ah goob aad ugu dhowr bartamaha magaalada Naples ee koonfurta dalkaas.

Ma jiraan warar hordhac ah oo sheegaya khasaaraha burbur ee ka dhashay dhul-gariirkaas, laakiin iskuullada ku yaalla magaalada Pozzuolo ayaa la xiray maanta oo isniin ah, cabsi laga qabo dhici taanka dhul gariiro kale oo saameeya magaalada, sida uu duqa magaaladaas u sheegay wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here