Diyaarad yar ayaa ku burburtay waddo mashquul badan oo ku taalla magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil, waxaana ku dhintay labo qof, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maamulka dabdamiska ee dalkaasi.
Shilkan ayaa ka dhacay xaafadda Barra Funda ee galbeedka magaaladaas, diyaaradda ayaana ku burburtay meel u dhow bartamaha magaalada São Paulo.
Gabal kamida diyaaradda burburtay ayaa ku dhacay gaari bas ah oo wadada marayay, waxaana shilkan ku dhaawacmay qof rakaab ah oo gudaha baskaas ku jiray, iyo uu dhaawacmay darawalkii baska waday.
Warbaahinta gudaha ayaa soo bandhigtay sawirada burburka iyo baska oo gubanaya, iyadoo ciidamada dabdemiska ay sii wadeen isku dayga ay ku doonayaan inay ku damiyaan dabka ka dhashay shilka.