Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa ku dhawaaqay dhimashada Labo kamid ah ciidamadooda oo mid kamid ah uu ahaa Sarreeye Guuto, kadib markii diyaaraddii ay wateen shil ku gashay meel u dhow magaalada Sirkan ee gobolka Baluchestan ee xuduudka la leh Afghanistan iyo Pakistan, sida ay sheegtay Warbaahinta Iran.
Wakaaladda Fars ee Iran ayaa sheegtay, in diyaaradda oo nooceeda ahaa Gyroplane ay shil gashay, kadibna ay ku dhinteen Taliyihii Guutada Nineweh ee Gobolka Golestan, Sarreeye Guuto Xaamid Mazandarani, iyo duuliyihii diyaaradda Xamiid Jandqi, oo ka tirsanaa ciidamada dhulka ee Ilaalada Kacaanka. faafaahin intaas ka dheeri ahna lagama bixinin dhacdadaas.
Waxaa xusid mudan in shilkan diyaaradeed uu ka dhacay deegaan ay inta badan ka dhacaan iska horimaadyo u dhaxeeya ciidamada ammaanka Iran iyo kuwa Suniyiinta ah.
Dalka Iran ayaa waxaa ku soo laalaabtay shilalka diyaaradaha, Bishii May ee la soo dhaafay ayeey ahayd, markii Telefishinka Qaranka Iran uu shaaciyay geerida Madaxweyne Ebrahim Raisi, Wasiirkii Arrimaha Dibadda Amir Abdollahian, iyo wafdigii la socday oo ku dhintay shil diyaaradeed, xilli ay kasoo laabteen xafladii furitaanka biyo xireen laga sameeyay xadka u dhaxeeya Iran iyo Asarbayjan.