Sarkaal iyo sarkaal ku xigeen ayaa la dilay maalin ka hor, kuwaas oo ku dhintay weerar uu fuliyay qof aan haybtiisa la aqoon, weerarkan ayaa ka dhacay xerada ciidamada isbahaysiga ee magaalada Sayuun ee gobolka Xadramuut ee bariga Yemen.
Wakaaladda wararka Sacuudiga ee rasmiga ah, ayaa ka soo xigatay afhayeenka ciidamada isbaheysiga Sacuudigu uu hogaamiyo, ninka lagu magacaabo Turki Al-maaliki, in weerarka uu sidoo kale ku dhaawacmay sarkaal kale, waxaana uu ka dhacay xero lagu tababaro ciidamada Yemen oo ku taalla deegaanka Sayuun ee bariga gobolka Xadramaut.
Wakaaladu waxay sidoo kale sheegtay, in weerarka uu dhacay xilli ay ciidamadu ku guda jireen tababar dhanka ciyaaraha ah, iyadoo aan sheegin sababta keenta weerarkan lagu dilay sarakiisha Sacuudiga.